Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo furay Shirweynaha Dacwadda Salafiga Soomaaliyeed (SAWIRRO)

Raysal Wasaare Barre oo furay Shirweynaha Dacwadda Salafiga Soomaaliyeed (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Dacwadda Salafiga Soomaaliyeed.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in culimadu door weyn ku leeyihiin dowladnimada, siyaasadda iyo amniga, iyagoo si gaara uga masuul ah dacwadda iyo ilaalinta diinteenna suuban.

Raysal Wasaaraha ayaa xusay in kooxaha argagixisada ay caqabad weyn ku yihiin dowladnimada dalka, isla-markaana ay dowladdu kula jirto dagaal xoogan oo dhinacyo badan ah.

Raysal Wasaaraha ayaa Culima’udiinka Soomaaliyeed ugu baaqay in looga fadhiyo in doorkooda ay dagaalkaasi ka qaataan, bulshadana ay ka wacyigeliyaan afkaarta ay dhallinta ku khaldaan.

Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaaraha Xukuumadda ayaa dhanka kale sheegay in Dowladda Federaalka ay gacanta ku hayso dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed, oo wax weyn ka tari doona sida uu yiri isku soo dhaweynta kala afkaar duwanaanta Culimada Soomaaliyeed.

Raysal Wasaare Barre ayaa intaasi ku daray in dowladdu ay sidoo kale gacanta ku hayso dhameystirka Dastuurka KMG, oo ah sida uu sheegay qabyo weyn oo hortaagan dowladnimada, isagoona culimada ugu yeeray in kaalintooda ka qaataan, oo ay eegaan Qodobada Dastuurka, isla-markaana ay waafajiyaan diinta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc