Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Raysal Wasaare Barre oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga Raysal Wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, xubno ka tirsan Labada Gole Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Raysal Wasaaraha oo wafdigiisa uu qayb ka yahay Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac ayaa Magaalada Dhuusamareeb kaga qaybgelaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa isla maanta gaaray magaaladaasi.

Madaxweyneyaasha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa iyana la filayaa in ay gaaraan Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb waxaa muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba ha-ahaatee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka furmaya magaaladaasi ayaa looga hadlaya arrimaha amniga iyo dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc