Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo gaaray Magaalada Doha (SAWIRRO)

Raysal Wasaare Barre oo gaaray Magaalada Doha (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Doha ee dalkaasi Qatar.

Raysal Wasaaraha ayaa casuumaad ka helay dhiggiisa dalkaasi, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Barre.

Wafdiga Raysal Wasaaraha oo saddex cisho soo joogi doona dalkaasi ayaa muddada ay ku sugan yihiin waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Wafdiga Raysal Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse), Wasiirka Maaliyadda, Biixi Imaan Cige, Wasiirka Amniga, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), Wasiirka Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed iyo masuuliyiin kale.

Dowladda Qatar ayaa Somaliya ka taageerta arrimaha amniga, horumarinta iyo gargaarka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc