Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada

Raysal Wasaare Barre oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa caawa sameeyay magacaabis iyo isku shaandheyn qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada.

Raysal Wasaaraha ayaa magacaabay laba Wasiir iyo laba Wasiiru Dowle, sida uu Warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale.

Magacaabistan ayaa saameysay Wasiirkii Maaliyadda, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Xubnaha la magacaabay waxay kala yihiin:-

Biixi Imaan Cige, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo Biixi Imaan uu horey ugu magacawnaa Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada.

Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada.

Abuukar Jeylaani Sheekh, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta & Awqaafta.

Saadaad Maxamed Nuur Caliyow, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

“Wasiiradan cusub ee la magacaabay waxaa la farayaa in si degdeg ah ay ula wareegaan xilalkooda, ka dib marka la dhaariyo.” Ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc