Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo ka hadlay weerarkii Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad

Raysal Wasaare Barre oo ka hadlay weerarkii Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa si adag uga hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Isniintii ka dhacay Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Raysal Wasaaraha ayaa ka tacsiyeeyay askartii ku dhimatay iyo kuwii kale ee ku dhaawacmay qaraxaasi oo masuuliyaddiisu ay sheegatay Al Shabaab.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in nin ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab uu isku qarxiyay Ciidanka Guutada 14-ka October oo waajibaadkoodii gudanaya.

“Arrintaasi runtii waa arrin laga xumaado, waa fuleynimo aan horey uga soo baranay nimankaas dhibka badan. Intii dhimatay Allaha u naxariisto, inta dhaawaca ahna Ilaahay ha u booga dhayo.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay inay horraan Caasimadda Muqdisho ka joojiyeen hubkii waaweynaa ee lagu dhex qaadan jiray, haddana ay wadaan qorshe ay kaga joojinayaan qoryaha fudud.

Waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay bedeshay dhammaanba ciidamadii ka hawlgalayay barraha amniga lagu hubiyo ee magaalada, xilligii ay xukuumaddiisu imaaneysay, isagoo intaa ku daray in ciidamadaasi dib loogu celiyay oo loo furay tababaro.

Dhanka kale Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka oo bogaadiyay hawlgalada ka socda Gobolada Bartamaha ayaa sheegay in marka Shabaabka laga ciribtiro deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug, ay ciidamadu u jiheysan doonaan, sidii lagaga sifeyn lahaa deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Raysal Wasaaraha ayaa xusay in kooxaha argagixisada lagu wiiqay Gobolada Dhexe, maalmaha soo socdana uu qorshuhu yahay in laga saaro deegaanada ay kaga harsan yihiin goboladaasi.

“Haddeertan waan u diyaargarownay, waana u diyaarinay, si degdeg ah ayaana looga nadiifin doonnaa, ka dibna waddanka oo dhan haddana koonfurta ayuu u soo jiheysan doonnaa, haddii Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Barre.

Raysal Wasaare Barre ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu xalay Magaalada Dar es Salaam uu kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi Tanzania.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc