Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo ka qaybgalay shirka ka furmay Sharm El-Sheikh (SAWIRRO)

Raysal Wasaare Barre oo ka qaybgalay shirka ka furmay Sharm El-Sheikh (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar kaga qaybgalay shirka sanadlaha ee Bankiga Horumarinta Afrika.

Shirka oo ay ka qaybgelayaan hoggaamiyeyaal ka kala socda Qaaradda Afrika ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saaraya isku dubaridka maalgelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, si ay door muhiim ah uga qaataan dadaalada wax looga qabanayo saameynta is bedelka cimilada.

Madaxda ayaa sidoo kale shirka inta uu socdo kaga arrinsan doona caqabadaha haysta dhaqaalaha adduunka iyo doorka Bankiyada Horumarinta ee caalamiga ah.

Raysal Wasaare Barre oo ka hadlay madasha shirka ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda ay leedahay in Bankiyada Horumarinta ay noqdaan kuwo ka jawaaba caqabadaha la soo gudboonaada dalalka.

Raysal Wasaaraha oo dood cilmiyeed kala qaybgalay Raysal Wasaareyaasha Masar, Rwanda, Burundi, Madaxweynaha Comoros iyo Madaxweyne Kuxigeenka Tanzania ayaa sheegay in Xukuumaddiisa DanQaran ay xoogga saartay hirgelinta lix tiir oo ka mira dhalintooda ay u horseedi karto Somaliya horumar iyo barwaaqo.

Raysal Wasaaraha ayaa madaxda kala duwan ee madasha ka soo qaybgashay la wadaagay, sida ay Dowladda Federaalka guulo la taaban karo uga soo hoysay horumarinta dhaqaalaha iyo wax ka qabashada is bedelka cimilada, si looga baaqsado fatahaadaha soo noqnoqda iyo abaaraha daba dheeraaday.

Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa ugu dambayn sheegay in dalalka ka soo kabanaya colaadaha ee ku jira dowlad dhiska, sida Somaliya oo kale ay dhibaatooyin badan kala kulmaan, sidii ay dib ula soo qabsan lahaayeen nidaamka dhaqaalaha adduunka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc