Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo booqday Xarunta Taliska Commando Polizio (SAWIRRO)

Raysal Wasaare Barre oo booqday Xarunta Taliska Commando Polizio (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta booqday Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (Commando Polizio) ee Magaalada Muqdisho.

Raysal Wasaaraha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin.

Raysal Wasaaraha ayaa shir guddoomiyay shir looga hadlayay muhiimadda ay leedahay fulinta go’aamada ka soo baxa maxakamdaha dalka, oo ay fuliyaan Ciidanka Booliska iyo sidii ay dhinacyadu si dhow uga wada shaqayn lahaayeen, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan garsoor madax-bannaan oo hufan.

“Sidoo kale kulanka ayaa lagu lafa-guray ahmiyadda ay leedahay in dib-u-habayn lagu sameeyo shuruucda caddaaladda dalka, si loo waafajiyo hannaanka federaalka ee uu dalka qaatay.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay ahmiyad weyn siineyso horumarinta caddaaladda dalka, oo udub-dhexaad u ah horumarka la hiigsanayo iyo wadajirka bulshada.”

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka, Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka, Xasan Macalin Maxamuud, Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Hoggaanada Booliska iyo Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc