Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo la kulmay Ex Madaxweyne Farmaajo

Raysal Wasaare Barre oo la kulmay Ex Madaxweyne Farmaajo

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre oo booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku booqday hoyga uu ka degan yahay dalkaasi.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

“Raysal Wasaare Xamse iyo Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxa uuna Raysal Wasaaruhu adkeeyay doorka kaga aaddan shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Dhankiisa, Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Raysal Wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu taggeen, waxa uuna u rajeeyay dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.”

Kulankan ayaa imaanaya, xilli Farmaajo uu toddobaadkii hore taageeray dadaalada Dowladda Federaalka ay ku dooneyso in lagaga adkaado maleeshiyada Shabaabka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc