Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo la kulmay Madaxweynaha Pakistan

Raysal Wasaare Barre oo la kulmay Madaxweynaha Pakistan

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre oo dalka Sacuudiga u jooga gudashada waajibaadka Xajka ayaa la kulmay Madaxweynaha Pakistan, Arif Alvi, oo isna sanadkan gudanaya acmaasha Xajka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan wax soosaarka beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo xoolaha, sida lagu sheegay qoraal saqdii dhexe ee xalay ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

“Raysal Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Somaliya & Pakistan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo xoolaha.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Waxaa sidoo kale Mudane Xamsa iyo Mudane Arif ay isla soo qaadeen qaabkii ay labada dhinac isaga gacan siin lahaayeen la dagaalanka argagixisada, waxaana ay isla qaateen in la diyaariyo wufuud labada dhinac oo ay kala hoggaaminayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, si loo sii ambaqaado dhaqangelinta qodobada muhiimka ah ee ay ka wada hadleen Raysal Wasaaraha iyo Madaxweynaha.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc