Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo la kulmay Madaxweyne Biden

Raysal Wasaare Barre oo la kulmay Madaxweyne Biden

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre oo booqasho ku jooga Magaalada New York ee dalkaasi Mareykanka ayaa la kulmay Madaxweyne Joe Biden.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Raysal Wasaaraha ayaa sidoo kale Madaxweyne Biden ka codsaday in dowladdiisu ay xoojiso taageeradeeda dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

“Raysal Wasaaraha ayaa Madaxweynaha kala hadlay, sidii Dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta iyo qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Somaliya, si ciidamadeenna qaranku ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka dayn-cafinta ee geba-gabada maraya, si loo xaqiijiyo Somaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.”

Mareykanka waa saaxiibka ugu weyn ee haatan Ciidanka Xoogga Dalka ka taageera weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc