Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa maanta la kulmay dhiggiisa dalkaasi, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, amniga, la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha bulshada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
“Labada Raysal Wasaare ayaa kulankooda kaga wada hadlay xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ciribtirka Khawaariijta, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Bulshada, iyadoo la isku fahmay dhammaan qodobada laga wada hadlay.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay “Raysal Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar, sida ay u garab taagan tahay dowladda & shacabka Soomaaliyeed iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgelisay Somaliya, oo ay ka mid yihiin dhismaha jidadka, xarumo dowladeed iyo taageerada dhismaha Ciidamada Qalabka Sida.”
Raysal Wasaare Barre iyo wafdigiisa oo gelinkii dambe ee Isniintii gaaray Caasimadda Doha ayay booqashadoodu qaadan doontaa saddex cisho.
Raysal Wasaaraha ayaa waxaa booqashadan ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse), Wasiirka Maaliyadda, Biixi Imaan Cige, Wasiirka Amniga, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), Wasiirka Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed iyo xubno kale.