Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo la kulmay Safiirka Emirate-ka Carabta ee dalka

Raysal Wasaare Barre oo la kulmay Safiirka Emirate-ka Carabta ee dalka

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Emirate-ka Carabta u jooga dalka, Danjire Ahmed Juma Al-Rumaithi.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ay ugu muhiimsan yihiin horumarinta xiriirka iyo iskaashiga ee labada dal, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Raysal Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa isla soo qaaday arrimo muhiim u ah horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Raysal Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taageerada ay siiyaan dalkeenna ee ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga iyo bani’aadanimada.

Dhankiisa, Danjire Al-Rumaithi ayaa ku bogaadiyay Dowladda Somaliya inay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo dadaalka ay ugu jirto kor u qaadidda dhaqaalaha, hufnaanta iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, isaga oo xusay in dhankooda ay ka go’an tahay taageero dhinacyo kala duwan sida amniga, arrimaha bani’aadanimada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.”

Xukuumadda Abu Dhabi ayaa Muqdisho ka gacan siisa arrimaha amniga iyo dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc