Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo la kulmay Xildhibaan Ilhaan Cumar

Raysal Wasaare Barre oo la kulmay Xildhibaan Ilhaan Cumar

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa Magaalada New York kula kulmay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Wakiilada Mareykanka ayaa salaan ugu timid Raysal Wasaaraha, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Raysal Wasaaraha iyo Ilhaan Cumar ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

“Raysal Wasaare Xamse iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Somaliya, gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Waxaa sidoo kale ay isla soo qaadeen, sidii ay Dowladda Mareykanka u sii ballaarin lahayd taageerada ay siiso Somaliya.”

Raysal Wasaare Barre ayaa Magaalada New York kaga qaybgelaya meertada 78aad ee golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc