Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo qaabilay Danjiraha Emirate-ka Carabta u jooga dalka

Raysal Wasaare Barre oo qaabilay Danjiraha Emirate-ka Carabta u jooga dalka

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowladda Emirate-ka Carabta u jooga dalka, Danjire Ahmed Juma Al-Rumaithi.

Kulanka ayay kaga wada hadleen xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii joogtayn lahaa.

“Raysal Wasaare Xamse ayaa Dowladda Imaaraadka uga mahadceliyay taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiso Somaliya, gaar ahaan dhanka amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadanimada.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Danjire Al Rumaithi ayaa mahadcelin ka dib, wuxuu Xukuumadda Danqaran ku bogaadiyay horumarada ay ka sameysay dhinacyada sugidda amniga iyo dowlad wanaagga, wuxuuna adkeeyay sida ay Imaaraadka uga go’an tahay sii joogtaynta taageerada uu siiyo Somaliya.”

Danjire Al-Rumaithi ayaa Raysal Wasaare Barre soo gaarsiiyay casuumaadda shirka isbedelka cimilada ee COP 28, oo bisha December lagu wado in dalkaasi ka qabsoomo.

Xukuumadda Abu Dhabi ayaa Muqdisho ka gacan siisa arrimaha amniga, dib-u-dhiska ciidamada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bani’aadantinimada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc