Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo qaabilay Wasiir ka socda dalka Jarmalka (SAWIRRO)

Raysal Wasaare Barre oo qaabilay Wasiir ka socda dalka Jarmalka (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Horumarinta & Iskaashiga Dhaqaalaha ee dalka Jarmalka, Jochen Flasbarth.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

“Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Jarmalka, isagoo uga mahadceliyay taageerada dhinacyada badan ee ay siiyaan Somaliya, sida horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada, dimoqraadiyadda, xasillinta deegaanada la xoreeyay iyo tababarka Ciidanka Booliska.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay “Wasiirka ayaa dhankiisa ka mahadnaqay qaabilaadda loo sameeyay, isagoo tilmaamay in Dowladda Jarmalka ay si dhow ula shaqeyso Dowladda Somaliya, isla-markaana xiriir qoto dheer ay wadaagan labada dowladood, ayna sii wadayaan taageerada ay gacanta uga gaysanayaan dib-u-dhiska iyo kaabeyaasha dhaqaale dalka.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc