Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo shir guddoomiyay shir degdeg ah oo looga hadlayay xaaladda dalka(SAWIRRO)

Raysal Wasaare Barre oo shir guddoomiyay shir degdeg ah oo looga hadlayay xaaladda dalka(SAWIRRO)

by Laacib

Golaha Wasiirada Somaliya ayaa caawa shir degdeg ah ka yeeshay xaaladaha ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha ka jira qaybo ka mida gobolada dalka.

Shirkan oo uu shir guddoominayay Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa looga hadlay tallaabooyinka illaa iyo hadda la qaaday ee la xiriira gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen biyaha roobabka ka da’aya dalka.

Golaha ayaa sidoo kale warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, oo soo bandhigay halka uu marayo dagaalka lagu la jiro maleeshiyada Al Shabaab iyo hawlgalada lagu xasillinayo dalka.

Shirka ayaa lagu meelmariyay Hindise Sharciyeedka Dad-dhigista & Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Hindise Sharciyeedkan uu muhiimad weyn u leeyahay dib-u-dhiska iyo nidaaminta adeegyada dad-dhigista ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc