Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Barre oo xarigga ka jaray Xarunta Bankiga Dhiigga (SAWIRRO)

Raysal Wasaare Barre oo xarigga ka jaray Xarunta Bankiga Dhiigga (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Bankiga Dhiigga Qaranka ee Magaalada Muqdisho. Xaruntan ayaa la sheegay inay baahi weyn u qabeen shacabka Soomaaliyeed.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay xoogga saareyso horumarinta iyo soo nooleynta adeegyadii bulshada, oo ay ugu horreyaan caafimaadka iyo waxbarashada.

Raysal Wasaare Barre ayaa ku ammaanay Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada hirgelinta xaruntani, oo ka tarjumeysa xaqiijinta yool muhiim ah, maadaama uu dalku ka mid yahay wadamada ay ka dhacaan masiibooyinka, taas oo lagama maarmaan ka dhigeysa in la helo xarun kaydisa dhiigga.

Bankiga Dhiigga Qaranka oo la aasaasay sanadkii 1976-kii ayaanan hawlgelin muddo ku dhow soddon sanno, waxaana dib-u-hawlgelintiisu ay buuxin doontaa baahi weyn, oo ay dadka Soomaaliyeed u qabeen in ay helaan kayd loogu hagaago dhiigga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc