Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Kuxigeenka Dalka oo gaaray Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Raysal Wasaare Kuxigeenka Dalka oo gaaray Dhuusamareeb (SAWIRRO)

by Laacib

Kusimaha Raysal Wasaaraha ahna Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka, Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga Raysal Wasaare Kuxigeenka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sarreyay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid.

Wafdiga Raysal Wasaare Kuxigeenka ayaa Dhuusamareeb kulamo kula leh Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya Wasiirka Maaliyadda, Biixi Imaan Cige, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raysal Wasaaraha, Xirsi Jaamac Gaani, La taliyaha Amniga Raysal Wasaaraha, Kamaal Daahir Xasan (Guutaale) iyo xubno kale.

Socdaalkoodan ayaa imaanaya, xilli saakay ay laba qarax ka dhaceen duleedka magaaladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc