Home Wararka Maanta Raysal Wasaare Kuxigeenka Itoobiya oo booqasho ku yimid Muqdisho (SAWIRRO)

Raysal Wasaare Kuxigeenka Itoobiya oo booqasho ku yimid Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaare Kuxigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Raysal Wasaare Kuxigeenka Somaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa dhiggiisa Itoobiya ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wafdiga Raysal Wasaare Kuxigeenka Itoobiya ayaa Muqdisho u yimid wada hadalo ku aaddan xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Xukuumadda Federaalka.

“Wafdiga ka socda dalka Itoobiya ayaa u yimid Caasimadda Muqdisho, sidii ay wada hadalo ku dhisan danaha labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u dhaxeeya labada dowladood ee Somaliya iyo Itoobiya.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

“Raysal Wasaare Wasaare Kuxigeenka ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, amniga iyo la dagaalanka kooxaha Khawaarijta.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc