Home Wararka Caalamka Raysal Wasaare Netanyahu oo haadaan ka tuuray rajadii xabad joojinta

Raysal Wasaare Netanyahu oo haadaan ka tuuray rajadii xabad joojinta

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa si adag uga horyimid baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo xabad joojin degdeg ah, si loo badbaadiyo shacabka Falastiiniyiinta ee ciqaab wadareedka ku wajahaya Marinka Gaza.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), Philippe Lazzarini oo xalay khudbad u jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo shir degdeg ah ka yeeshay xaaladda adag ee ka jirta Marinka Gaza ayaa sheegay in dadka reer Gaza ay la kulmayaan ciqaab wadareed iyo barakacin khasab ah, xilli Israel ay sii waddo weerarada ay sheegtay inay ku wiiqeyso Xamaas.

Philippe Lazzarini ayaa sheegay in xaaladda murugsan ee ka taagan Gaza ay horseedi karto dembiyo ka dhan ah bani’aadantinimada iyo kan dagaalka, isagoona hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la gaaro xabad joojin degdeg ah.

“Xabad joojin bani’aadantinimo oo degdeg ah, waxay noqon kartaa arrin nolol iyo geeri u ah mallaayiin qof.” Ayuu yiri Philippe Lazzarini oo intaasi ku daray “Heerka burburku waa mid aan hore loo arag, masiibada bani’aadanimo ee Gaza ka jirta waa wax aan loo dulqaadan karin.”

Lazzarini ayaa Israel ugu baaqay in ay ixtiraamto sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, isla-markaana ay ogolaato in gargaarka iyo shidaalkaba si nabdoon lagu geeyo Gaza, iyadoo aanay wax xadidaad ahi jirin.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo mar dambe Warbaahinta kula hadlay Magaalada Tel Aviv ayaa si adag uga horyimid baaqyada caalamiga ah ee xabad joojinta.

Raysal Wasaaraha ayaa muujiyay in xabad joojintani aanay wax dan ahi ugu jirin Israel, isla-markaana aysan isu dhiibi doonin Xamaas.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo mowqifka Israel ee ku aaddan xabad joojinta, sida Mareykanku aanu u aqbalin xabad joojin, ka dib duqayntii Pearl Harbor ama weerarkii argagixiso ee September 11, Israel ma aqbali doonto in ay joojiso dagaalka ay kula jirto Xamaas, ka dib weerarkii naxdinta lahaa ee 7-dii October.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Waxa kaloo uu yiri “Baaqyada xabad joojinta ah waa baaqyo loogu baaqayo Israel inay isu dhiibto Xamaas, inay isu dhiibto argagixisada iyo inay isu dhiibto waxashnimada, taasina ma dhici doonto.”

Raysal Wasaaraha ayaa intaa raaciyay “Waxa aanu u dhiibi doonnaa iyaga oo ku jira qashinka taariikhda, taasi waa hadafkayga, waana masuuliyadayda.”

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa Hoggaamiyeyaasha Caalamka ugu baaqay in ay dagaalkan ku gacan siiyaan Israel.

“Tani waa marxalad muhiim u noqon doonta tusaale madaxda iyo umadaha, waxaa la joogaa waqtigii aan dhammaanteen go’aansan lahayn, haddii aan diyaar u nahay inaan u dagaalano mustaqbalka, rajo iyo ballan ama inaan isu dhiibno gacan ku dhiiglenimada iyo argagaxa.” Ayuu yiri Netanyahu.

Netanyahu ayaa hadalkiisa ku xoojiyay in Israel lagu khasbay dagaalkan, ha yeeshee ay ka adkaan doonto Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.

“Israel ma bilaabin dagaalkan, mana doonayn dagaalkan, balse Israel ayaa ku guuleysan doonto dagaalkan.” Ayuu yiri Netanyahu.

Dunida ayaa ka walaacsan xaaladda bani’aadantinimo ee maalinba maalinta ka dambeysa ka sii dareysa ee laga soo sheegayo Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc