Home Wararka Caalamka Raysal Wasaare Netanyahu oo isbitaalka la dhigay, ka dib xaalad caafimaad oo la soo deristay

Raysal Wasaare Netanyahu oo isbitaalka la dhigay, ka dib xaalad caafimaad oo la soo deristay

by Laacib

Raysal Wasaaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii xalay la dhigay isbitaalka, isaga oo maraya qaliin looga sameynayo dhanka mindhicirka.

Raysal Wasaaraha ayaa laga helay xanuunka eernada, xilli habeenkii Sabtida uu maraayay baaritaan caafimaad.

“Habeenkii Sabtida, intii lagu guda jiray baaritaanka caadiga ah ee Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu waxaa laga helay xanuunka eernada.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiskiisa.

Bayaanka ayaa lagu sheegay “Raysal Wasaaraha ayaa la suuxin doonnaa, inta lagu jiro qaliinka.”

Xaaladda Raysal Wasaaraha ayaa la shegay inaanay ahayn mid halis ah, si degdeg ahna uu xafiiska ugu soo laaban doono.

Eernada ayaa qofka ku dhacda, marka mindhicirku dibadda uga soo baxo muruqii ama xuubkii hayay amaba dilaac uu ku yimaado ubucda. Xanuunkan ma lahan wax dawo ah, qaliin mooyee.

Raysal Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Caddaaaladda, Yariv Levin ayaa sii wadi doona shaqada maamulka, illaa iyo inta Raysal Wasaaruhu uu kaga soo laabanayo xafiiska.

Netanyahu ayaa bishii July lagu rakibay qalabka wadna garaaca, markaas oo Israel ay cagaha la gashay xiisaddii ugu xumeyd ee gudaha ah muddo tobanaan sano ah, ka dib markii Israeliyiintu ay si weyn ugu kala qaybsamayn qorshaha dib-u-habaynta garsoorka. Israel ayaa waxaa xilligaasi gilgilay mudaaharaadyo baahsan oo looga soo horjeedo is bedelka garsoorka, oo Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu uu gadaal ka riixayay.

Mudaaharaadyada oo billooyin socday ayaa istaagay, ka dib weerarkii Xoogaga Xamaas ay 7-dii October ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho, oo ay ku dhinteen in ka badan 1,200 oo qof oo Israeliyiin ah, iyadoo 250 kalena ay kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ku soo qafaasheen. October 7-deedii waxay ahayd maalintii ugu dhimashada badneyd ee Israel soo marto, waana weerarkii ugu xumaa ee ay Falastiiniyiintu ka gaystaan dhulka ay Israel xoogga ku haysato.

Israel oo si weyn weerarkaasi uga carootay ayaa duulaan cir, dhul iyo badba leh ku qaaday Marinka Gaza, iyadoona ujeedadu ahayd burburinta Xamaas, tiiyoo ku dhawaad lix bilood ka dibna aysan Israel ka gungaarin.

Weerarkii Xamaas ee October 7-deedii ayaa bilow u noqday dagaalkii ugu waqtiga dheeraa ee dhex mara Israel iyo Falastiiniyiinta, dadkii ugu badnaana ay ku dhintaan.

Duulaanka Israel ee Gaza ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay 32,782 qof, in ka badan 75,298 kalena ay ku dhaawacmeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc