Home Wararka Caalamka Raysal Wasaare Netanyahu oo ka hadlay qaabka ay xabad joojinta ku sii wadi karaan

Raysal Wasaare Netanyahu oo ka hadlay qaabka ay xabad joojinta ku sii wadi karaan

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dhankooda ay sii wadi doonaan heshiiska xabad joojin, maalin kasta oo Xamaas ay sii deyso 10 la hayste.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in xabad joojinta afarta maalmood ee Jimcihii bilaabatay la kordhin karo, haddii la haysteyaasha loo ogolaado in la sii daayo.

Raysal Wasaaraha ayaa muuqaal ku sheegay in maamulkiisu uu doonayo in guryahooda dib loogu soo celiyo Israeliyiinta lagu haysto Marinka Gaza.

War ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel ayaa lagu sheegay in Netanyahu uu Madaxweyne Joe Biden u sheegay baahida loo qabo in Israel ay sii waddo gulufkeeda ka dhanka ah Xamaas, marka uu heshiisku dhammaado.

Warka ayaa lagu sheegay in Netanyahu uu ku celiyay in ay si dhab ah u wiiqi doonaan Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.

“Waan hubaa inaan ku guuleysan doono hawlgalkan, sababtoo ah ma haysano doorasho kale.” Ayuu Netanyahu ku sheegay warka ka soo baxay xafiiskiisa.

Netanyahu ayaa yiri “Waa inaan hubino in Xamaas aysan ku soo laaban Gaza, hawlgalkana waxaan u adeegsan doonnaa awoodayna oo dhan, si aan u fulino ujeedooyinkeenna.”

Heshiiska xabad joojinta ee Israel iyo Xamaas ayaa ku eg saacadaha dambe ee Isniintan.

Dadaalo caalami ah oo socdo ayaa lagu doonaya in lagu kordhiyo muddada xabad joojinta, si dhinacyadu ay u sii wadaan heshiiska maxaabiis is dhaafsiga, gargaar wax ku ool ahna la gaarsiiyo Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc