Home Wararka Caalamka Raysal Wasaare Netanyahu oo kormeeray ciidamada ku sugan jiidda Gaza (SAWIRRO)

Raysal Wasaare Netanyahu oo kormeeray ciidamada ku sugan jiidda Gaza (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa booqday Ciidamada Militariga ee maalmihii ugu dambeysay lagu daabulayay bannaanka hore ee Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Difaaca Israel ee halkaasi loo geeyay, sidii ay hawlgal uga samayn lahaayeen Gaza.

Saraakiisha Israel ayaa sheegaya in illaa saddex boqol oo kun oo askari loo diyaariyay hawlgalka dhulka ee Israel damacsan tahay in laga sameeyo Gaza.

“Waxaa socda qorshaha wejiga xigga ee hawlgalka, dhammaanteenna diyaar ayaan u nahay.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Netanyahu.

Militariga Israel ayaa sheegay in 126 qof oo Israeliyiin ah lagu haysto Gaza, hawlgalkana ay ku soo samatabixinayaan muwaadiniintooda.

Inkastoo aanay sheegin goorta uu hawlgalku bilaaban doono, haddana waxay sheegeen in hawlgalkaasi uu isugu jiri doono mid dhul iyo cirba leh.

Marka laga soo taggo la haysteyaasha reer Israel ee Gaza lagu hayo, waxaa sidoo kale jira muwaadiniin u dhashay Mareykanka, Talyaaniga iyo Jarmalka oo gacanta ugu jira Xoogaga Xamaas.

Xamaas ayaa Israel u soo bandhigtay in muwaadiniinteeda ay ku bedelato 4,500 oo qof oo Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc