Home Wararka Caalamka Raysal Wasaare Netanyahu “Xamaas waxaan gaarsiin doonnaa xaalad quus ah”

Raysal Wasaare Netanyahu “Xamaas waxaan gaarsiin doonnaa xaalad quus ah”

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in ay xididada u siibi doonaan Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegaya in ay Xamaas ku beegsan doonaan goob kasta oo ay kaga sugan tahay Bariga Dhexe, isla-markaana ay wax ka bedeli doonaan xaaladda gobolka.

Waxa uu sheegay in duqaynta ku socoto Gaza ay hadda uun bilow tahay, isla-markaana ay ciidamadiisu sii wadi doonaan bartilmaameedyada ka dhanka ah goobaha Xamaas.

Isagoo khudbad u jeedinayay shacabkiisa ayuu sheegay in Ciidanka Cirka Israel ay illaa iyo hadda beegsadeen ku dhawaad laba kun oo xarumood oo Xamaas ku leedahay Gaza.

Waxa kaloo uu sheegay in Israel ay u dagaalameyso jiritaankeeda, isla-markaana ay si adag uga aargudan doonto weerarka Sabtidii.

Mar uu ka hadlayay go’doominta adag ee Gaza la gelinayo ayuu sheegay in magaalada lagaga jarayo biyaha, shidaalka iyo sahayda cuntada, ayna ka dhigayaan sida uu yiri magaalo gudcur ah oo madow.

Dhanka kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa dhalleeceeyay go’aanka ay Israel ku xoojineyso go’doominta ay markii horeba ku haysay Gaza.

Israel ayaa sheegtay inaanay xitaa ogolaan doonin in Gaza la geeyo shidaalka iyo sahayda cunnada, isla-markaana ay ku sii jiri doonto koronto la’aanta iyo biyaha ka go’an.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka digay in Ciidamada Israel ay qaadaan hawlgalo aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah.

Xoghayaha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, isaga oo sidoo kalena ku baaqay in la sii daayo maxaabiistii Sabtidii lagu qabtay weerarka.

“Waxaan mar kale ku celinayaa baaqayga ku aaddan in si degdeg ah loo joojiyo weerarada, isla-markaana loo sii daayo maxaabiista.” Ayuu yiri Xoghaye Guterres.

Xoghaye Guterres oo Warbaahinta kula hadlayay Xarunta Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay aqoonsan yihiin tabashada Falastiiniyiinta, balse aan wax qiil ahi loo raadin karin falalka argagixisanimada.

“Waxaan aqoonsanahay tabashada shacabka reer Falastiin, laakiin qiil looma raadin karo falalka argagixisanimada, dilka iyo afduubka dadka rayidka ah.” Ayuu yiri Xoghayuhu.

Hoggaamiyeyaasha Reer Galbeedka ayaa si weyn u taageeray falcelinta Israel iyo inay xaq u leedahay sida ay yiraahdeen inay is difaacdo.

Reer Galbeedka ayaa muddo dheer gumeystaha Israel ku taageerayay ficiladiisa arxanka daran, ee uu ka wado dhulka la haysto iyo Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc