Home Wararka Caalamka Raysal Wasaare Sanchez “Spain waxay aqoonsan doontaa Dowladda Falastiin”

Raysal Wasaare Sanchez “Spain waxay aqoonsan doontaa Dowladda Falastiin”

by Laacib

Raysal Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu aqoonsado dowlad ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Spain ay u furan tahay in ay aqoonsato Falastiin, xitaa haddii Golaha Midowga Yurub uu taasi ka soo horjeesto.

“Madrid waxaa u furan inay si keli ah u aqoonsato dowlad Falastiiniyiin ah, xitaa haddii uu ka soo horjeesto amaba uu khilaafo Midowga Yurub.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Spain.

Raysal Wasaaraha ayaa yiri “Waxaan u maleynaya in la gaaray, xilligii Beesha Caalamka, gaar ahaan Midowga Yurub iyo wadamada xubnaha ka ah ay aqoonsan lahaayeen Dowladda Falastiin.”

Waxa uu sheegay in aqoonsiga Dowladda Falastiin uu meelmar noqon doono, haddii dhowr ka mid ah dalalka Midowga Yurub ay aqoonsadaan dowladdaasi.

“Laakiin haddii aysan taasi dhicin, dabcan Spain waxay qaadan doontaa go’aamo u gaar ah.” Ayuu yiri Pedro Sanchez, Raysal Wasaaraha Spain.

Raysal Wasaaraha ayaa Israel ugu baaqay in ay is xakameyso, kana fogaato waxyeeleynta dadka rayidka ah, iyadoo u hoggaansameysa sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Raysal Wasaare Sanchez ayaa madax ka ah dowlad wadaag ah oo xulafada bidixda ee xisbigiisa ay si adag u dhalleeceeyeen weerarada ay Israel ku leynayso dadka rayidka ah.

In ka badan 14,532 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay weerarada Israel ee Marinka Gaza, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc