Home Wararka Caalamka Raysal Wasaare Sunak oo ka hadlay weerarada ay ku hayaan Xuuthiyiinta

Raysal Wasaare Sunak oo ka hadlay weerarada ay ku hayaan Xuuthiyiinta

by Laacib

Raysal Wasaaraha Britain, Rishi Sunak ayaa ka hadlay weerarada militari ee ay Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ku hayaan bartilmaameedyada Ururka Xuuthiyiinta ee ka arrimiya inta badan dalka Yemen.

Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa markii saddexaad Axaddii iska kaashaday weeraro xagga cirka ah, oo ay si wadajir ah uga fuliyeen goobaha ay maamulaan Xuuthiyiinta.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ay garaaceen gantaalo loo diyaarinayay in weeraro looga gaysto Badda Cas.

Raysal Wasaaraha Britain ayaa sheegay in weeraradooda ay jawaab u yihiin gantaalaha ay Xoogaga Xuuthiyiinta ku weerarayaan maraakiibta mareysa Badda Cas.

Waxa uu difaacay in UK ay ka qayb qaadato hawlgalada militari ee lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Xuuthiyiinta Yemen, isagoona ku eedeeyay in ay carqaladeynayaan marinada ganacsiga caalamiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

“Weerarada Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ka gudbeysa Badda Cas iyo Gacan Cadmeed, waxay halis ku yihiin nolosha dadka aan waxba galabsan.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Sunak.

Waxa kaloo uu sheegay in weerarada ka socda Badda Cas ay dunida ka abuureyso cawaaqib dhaqaale, taas oo sida uu sheegay aan la aqbali karin.

“Waxaan aragnaa in Xuuthiyiinta ay sii wadaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga. Sida iska cad taasi waa wax aan la aqbali karin, waana sharci-darro, waxayna leedahay cawaaqib dhaqaale.” Ayuu yiri Sunak.

Dunida ayaa waxaa ka jirta cabsi xoog leh oo laga qabo in weerarada maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas ay sare u qaadaan qiimaha badeecadaha ee suuqyada caalamiga ah, iyadoo shirkadaha xamuulka badda ay qaar badan oo ka mid ah ku khasbanaadeen inay adeegsadaan waddooyinka dheer oo kharash badan.

Weerarada Xuuthiyiinta ayaa ah kuwo ay kaga falcelinayaan duqaymaha baahsan ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza, waana weeraro ay sheegeen in ay garab istaag ugu muujinayaan shacabka Falastiiniyiinta ee lagu leynayo Gaza.

Xuuthiyiinta oo muddooyinkii ugu dambeysay ballaariyay weerarada gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is qarxiya ayaa beegsanaya maraakiibta laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, si ay uga aargutaan duqaymaha kaga imaanaya, waana xilli ay u muuqdaan kuwo go’doomiyay Dekedaha Israel.

Maraakiibta ku socda Dekedaha Israel iyo kuwa kale ee ay Israeliyiinta leeyihiin ayaa la sheegay in ay ka baaqsadeen isticmaalka Badda Cas, ka dib markii Saraakiisha Xuuthiyiinta ay horaan ku dhawaaqeen in ay bartilmaameed yihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc