Home Wararka Caalamka Reer Yurub oo Israel kala hadlay inaanan la weerarin Iran

Reer Yurub oo Israel kala hadlay inaanan la weerarin Iran

by Laacib

Xulafada reer galbeedka ee taageera Israel ayaa sii wada cadaadiskooda ay ku hayaan maamulkaasi, si Israel ay uga baaqsato weerar ay kaga aargudaneyso Iran.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo ka carooday weerarkii ay Iran habeenkii Sabtida ku qaadday gudaha Israel ayaa ku hanjabay in Tel Aviv ay ka aargudan doonto Tehran. Tehran ayaa iyadu sheegtay in weerarkeedaasi uu jawaab u ahaa midkii Tel Aviv ay 1-dii bishan u gaysatay Qunsuliyadda ay ku leedahay Magaalada Dimishiq.

Dowladaha reer galbeedka ayaa marar badan Israel uga digay inay weerarto Iran, iyagoona si cad ugu sheegay inaanay diyaar u ahayn dagaal toos ah oo lala galo Iran, isla-markaana aysan doonayn inay ka qayb qaataan dagaal ka dhan ah Tehran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Cameron oo maanta Magaalada Jerusalem kula kulmay Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog ayaa u sheegay inay doonayaan in laga fogaado wax kasta oo xaaladda gobolka uga sii dari kara.

Wasiirka oo kulankaasi ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa xaaladda Bariga Dhexe ku tilmaamay mid aad looga walaaco, ayna tahay in xiisadda la dejiyo.

“Waa sax inay caddaato aragtideenna ku saabsan waxa dhici doona, balse ma cadda go’aanka Israel ay qaadaneyso, waxaana rajeynaynaa in dagaalkan uusan noqonin mid aad u ballaaran.” Ayuu yiri David Cameron.

Cameron ayaa Israel kula taliyay “Waxaa si weyn loogu baahan yahay in diiradda la saaro Xamaas, dib u soo celinta la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza, kordhinta gargaarka iyo sidii dagaalka Gaza loo hakin lahaa. Sababtaas ayaan maanta halkan u joogaa, oo aan uga la hadlayo Madaxda Israel iyo Falastiin, si aan isugu dayno in aan taas hore u sii riixno.”

Cameron oo kulanka ay ku wehlineysay Annalena Baerbock, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka ayaa kulan la leh Netanyahu, si ay ugu adkeeyaan in laga fogaado dagaal ballaaran.

Isbahaysiga reer galbeedka ayaa ka cararaya in Netanyahu uu ku hoggaamiyo dagaal buuxa oo lala galo Iran, taas oo gobolka iyo dunidaba u horseedi karta dagaal weyne.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc