Home Wararka Caalamka Ruushka oo duqayn culus ka gaystay Magaalooyinka Dekedaha leh ee Odessa iyo Mykolaiv (SAWIRRO)

Ruushka oo duqayn culus ka gaystay Magaalooyinka Dekedaha leh ee Odessa iyo Mykolaiv (SAWIRRO)

by Laacib

Militariga Ruushka ayaa Khamiistan duqaymo xoogan ka gaystay Magaalooyinka Dekedaha leh ee Odessa iyo Mykolaiv ee dhaca Badda Madow ee Koonfurta Ukraine.

Barasaabka Mykolaiv, Vitaliy Kim ayaa sheegay in duqaynta oo ka dhacday Bartamaha Mykolaiv lagu bartilmaameedsaday garaash iyo dhisme ka kooban saddex dabaq oo sida uu yiri la degan yahay.

Vitaliy Kim ayaa sheegay in sagaal iyo toban qof ay ku dhaawacmeen weeraradan ugu dambeeyay, oo dhismayaal dhowr ihi ay burbur ka soo gaareen, sida uu yiri.

Oleh Kiper, Barasaabka Odessa ayaa isna sheegay in askari ilaalo ahaa uu ku dhintay duqaynta ka dhacday Odessa, sideed kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in duqayn kale oo ka dhacday magaalada ku taala Waqooyi Bari Ukraine ee Kharkiv uu ku dhintay hal qof.

Ciidanka Cirka Ruushka ayaa saddexdii habeen ee ugu dambeysay garaacay Dekedda Odessa, taas oo muhiim u ahayd dhoofinta dalaga beeraha ee ay Ukraine dibadda u iibgeynaysay, ka hor inta aanu Ruushku Isniintii ka bixin heshiiskii sanadka jirsaday ay Kyiv dunida ugu dhoofineysay tacabkeeda beeraha.

Duqaynta ayay burbur ka soo gaartay qalabkii lagu rarayay maraakiibta ee Dekedda Odessa. Sidoo kale goobaha la degan yahay ee magaalada ayay waxyeelo ka soo gaartay duqaynta.

Militariga Ruushka ayaa sidoo kale garaacaya Dekedda Mykolaiv, si aan looga dhoofin wax soosaarka beeraha ee dalkaasi.

Dhanka kale Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa digniin u jeedisay maraakiibta shisheeye ee ku socdaaleysa Xeebaha Badda Madow ee Ukraine, kuwaa oo ay sheegtay in loo tixgelin doono bartilmaameedyo militari, xilli Ukraine ay sheegtay in maraakiibta ay dejin doonto marin ku-meel-gaar ah, si ay u sii wadaan dhoofinta dalageeda.

“Dhammaan maraakiibta u socdaaleysa Ukraine waxaa loo tixgelin doonnaa inay qayb ka yihiin colaadda Ukraine.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa ku eedeeyay Ciidamada Ruushka inay si ula kac ah u beegsanayaan kaabeyaasha loo isticmaalo dhoofinta badarka ee Dekedaha Badda Madow.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc