Home Wararka Caalamka Ruushka oo duqayn ku bilaabay Dekedda Odessa, xilli uu diiday cusbooneysiinta dhoofinta badarka Ukraine

Ruushka oo duqayn ku bilaabay Dekedda Odessa, xilli uu diiday cusbooneysiinta dhoofinta badarka Ukraine

by Laacib

Ciidanka Cirka Ruushka ayaa aroornimadii hore ee Talaadadan duqayn culus ka gaystay Dekedda Odessa ee dhacda Badda Madow, saacado uun ka dib, markii uu diiday inuu dib u cusbooneysiiyo heshiiskii uu Ukraine kula jiray ee dibadda loogu dhoofinayay wax soosaarka beeraha ee dalkaasi.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in Militariga Ruushka ay dekedda ku taala koonfurta dalkaasi ku soo weerareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Saraakiisha ayaa sheegay in duqayntu ay waxyeelo ka soo gaartay kaabeyaasha dhaqaalaha ee dekeddaasi iyo dhowr guri oo la degan yahay, oo inta la ogyahay uu ku dhaawacmay nin da’ ah.

Sidoo kale Ciidamada Ruushka ayaa la sheegay in ay duqayn kale ka gaysteen magaalada dekedda leh ee Mykolaiv, taas oo ku dhow Badda Madow.

Duqa Magaalada Mykolaiv, Oleksandr Senkevich ayaa weerarkan ku tilmaamay mid halis ah, sida uu ku sheegay bartiisa Telegram-ka.

Andriy Yermak, Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine ayaa isna labada weerar ku tilmaamay kuwo caddeyn u ah, sida buu yiri uu Ruushku u doonayo in uu khatar geliyo nolosha 400 oo milyan oo qof oo ku nool dalal kala duwan oo dunida ah, kuwaa oo sida uu sheegay ku tiirsanaa dhoofinta badarka Ukraine.

Masuuliyiinta Ukraine ma sheegin cid ku dhimatay duqaymahaasi, marka laga soo taggo waxyeelada ka soo gaartay Dekedda Odessa, burburka dhowr guri iyo dhaawaca nin oday ah.

Dekedda Odessa oo lafdhabar u ahayd dhoofinta tacabka beeraha ee Ukraine ayaa 12-kii bilood ee ugu dambeysay ka caaganeyd weerarada Ruushka, muddadaas oo Moscow ay Ukraine kula jirtay heshiiska dibadda loogu iibgeynayo dalaga dalkaasi.

Heshiiskan oo garwadeen ay ka ahaayeen Qaramada Midoobey iyo Turkiga ayaa gacan ka gaystay in Ukraine ay si nabdoon Dekedda Odessa uga dhoofiso qamadigeeda.

Dhinacyada ayaa heshiiskan ku kala saxiixday Magaalada Istanbul ee dalkaasi Turkiga, taariikhu markay ahayd 22-kii bishii July ee sanadkii hore, waxaana uu ku ekaa Isniintii shalay.

Ruushka ayaa sheegaya in heshiiska uu dib ugu soo laaban doono, marka dalkiisa loo ogolaado in uu caalamka u iibgeeyo sareenkiisa iyo waxyaabaha kale ee loo isticmaalo bacriminta beeraha, isla-markaana laga taageero, sidii ay Moscow ku heli lahayd lacagaha dhakhliga ah ee uga soo xarooda tacabka beeraha, maadaama ay Reer Galbeedku cunaqabateyn dhaqaale saareen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc