Home Wararka Caalamka Ruushka oo Israel u sheegay inaanan la burburin karin Xamaas, dhib la’aan

Ruushka oo Israel u sheegay inaanan la burburin karin Xamaas, dhib la’aan

by Laacib

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa ka digay gacanta adag ee ay Israel ku wajaheyso duulaankeeda Marinka Gaza, taas oo sida uu sheegay ay ka dhalan doonto cawaaqib aad u daran.

Wasiirka ayaa sheegay, inkastoo Moscow ay cambaareynayso falalka argagixisanimo, haddana waxa uu Tel Aviv uga digay in ay ku xadgudubto shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

“Inkastoo aan cambaareynayno argagixisanimada, haddana waxaan si cad uga soo horjeednaa in jawaabta aad ka bixineyso falalka argagixisanimada adiguna aad ku xadgudubto sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, oo ay ku jiraan in si aan kala sooc lahayn aad bartilmaameedyada uga gaysato goobaha la ogyahay inay dadka rayidka ah joogaan, oo qayb ka ah goobaha lagu hayo la haysteyaasha.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa walaac ka muujiyay diidmada Israel ee ku aaddan inaanay xilligan doonayn wada hadal ay la gasho Falastiiniyiinta iyo hanjabaadaha madaxda maamulkaasi ee ku aaddan in ay burburin doonaan Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.

“Hadda uma badna in labada dhinac ay soo fadhiisanayaan ​​miiska wada hadalka, gaar ahaan Israel. Tani waxay caddeynaysaa inay fulinayaan hanjabaado badan oo ka soo yeeray hoggaanka, sida Raysal Wasaaraha, Wasiirka Difaaca, Wasiirka Dhaqaalaha iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada, ee ah inay sii wadi doonaan falcelintooda ka dhanka ah Xamaas. Iyadoo labada dhinac ay dad badan ku waayeen dagaalka oo ajaaniib ay ku jiraan, haddana uma badna inay hadda miiska wada hadalka isugu imaanayaan.” Ayuu yiri Wasiirka.

Sergey Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa Israel u sheegay inaanan la burburin karin Xamaas, marka aad eegto Gaza oo ku taala goob isku raran ah.

Waxa uu sheegay in burburinta Xamaas ay ka horreyso in si khasab ah guryahooda looga barakaciyo in ka badan laba milyan oo qof oo Gaza ku nool, taasina waxaa uu ku sheegay inay dembi dagaal noqonayso.

Wasiirka oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Belarus ee BelTA ayaa intaasi ku daray in duulaanka Israel ee Gaza uu horseedi doono masiibo socon karta tobanaan sano, isagoona sheegay in taasi uu ka digayo.

“Haddii Gaza la burburiyo oo laba milyan oo qof oo degan la eryo, sida qaar ka mid ah siyaasiyiinta Israel ay soo jeedinayaan, waxay markaasi abuuri doontaa masiibo socon doonto muddo tobanaan sano ah, haddii aysanba qarniyo qaadan.” Ayuu yiri  Lavrov.

Moscow ayaa ku celelisay in xalka Falastiiniyiinta iyo Israel uu ku xiran yahay in la helo laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc