Home Wararka Caalamka Ruushka oo sheegay in lagu kala baxay dagaalkii Bakhmut

Ruushka oo sheegay in lagu kala baxay dagaalkii Bakhmut

by Laacib

Ka dib dhowr bilood oo dagaalo culus ay ka socdeen Magaalada Bakhmut ee bariga dalka Ukraine, Ruushka ayaa ku dhawaaqay in lagu kala baxay dagaalkaasi.

Madaxa Xoogaga calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner, Yevgeny Prigozhin ayaa ku dhawaaqay in ciidamadu ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta magaalada.

Madaxa Xoogaga Wagner ayaa sheegay in Ciidamada Ukraine laga fiijiyay magaalada, isla-markaana aanu jirin askari qura oo Dowladda Ukraine ka jooga magaaladaasi.

Bayaan ka soo baxay Aqalka Kremlin-ka ayuu Madaxweyne Vladimir Putin ugu hambaleeyay Ciidamada Militariga guusha ay ka gaareen dagaalka.

Magaaladan ayaa waxaa ka dhacay mid ka mida dagaaladii ugu qaraaraa, uguna dhimashada badnaa ee ay dhinacyadaasi isaga horyimaadaan, tan iyo markii uu Ruushku weeraray dalkaasi.

Magaalada waxaa ka muuqanaya burbur lixaad leh, tani oo muujineysa inaanan dagaalkaasi waxba la isku reeban

Ruushka ayaa daba-yaaqadii bishii January ballaariyay gulufkiisa Magaalada Bakhmut ee Gobolka Donetsk, ka dib markii ay ciidamadiisu la wareegeen gacan ku haynta magaalada kale ee istiraatiijiga ah ee Soledar.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc