Home Wararka Maanta Ruushka oo Somaliya ka dhaafay amaah lacageed oo dhan $684M

Ruushka oo Somaliya ka dhaafay amaah lacageed oo dhan $684M

by Laacib

Dowladda Somaliya ayaa sheegtay in Ruushka uu dalka ka dhaafay amaah lacageed oo dhan 684M oo dollar oo uu ku lahaa.

Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Biixi Imaan Cige ayaa Arbacadii Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Ruushka, Timur Igorevich Maksimov la saxiixday heshiis ay Dowladda Ruushku kaga dhaaftay Somaliya dayntii ay ku lahayd.

Raysal Wasaare Kuxigeenka Somaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda daynta lagaga dhaafay dalka oo ka dhacday Magaalada St. Petersburg.

St. Petersburg ayaa waxaa Khamiistan ka furmaya shirka madasha Afrika iyo Ruushka, oo looga hadlayo dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadanimada.

Saalax Axmed Jaamac, Raysal Wasaare Kuxigeenka Somaliya ayaa ka mid ah madaxda ka socota qaaradda ee ka qaybgelaya shirkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc