Home Wararka Caalamka Ruushka oo war ka soo saaray rakaabka Israeliyiinta ee lagu weeraray Dagestan

Ruushka oo war ka soo saaray rakaabka Israeliyiinta ee lagu weeraray Dagestan

by Laacib

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in fara-gelin dibadeed ay ka dhalatay weerarkii xalay lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Makhachkala ee Gobolka Dagestan.

Boqolaal qof oo ku qaylinayay ereyo ka dhan ah Israel ayaa xoog ku galay garoonkaasi, xilli ay ka degatay diyaarad ay la socdeen rakaab ka yimid Israel. Rakaabka ayaana saarnaa diyaarad ay leedahay Shirkadda Red Wings ee Ruushka oo ka soo ambabaxday Magaalada Tel Aviv.

Dadkan ayaa la sheegay inay wateen Calanka Falastiin, isla-markaana ay u muuqdeen kuwo ka gadoodsan duulaanka Israel ee Gaza.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa Ukraine ku eedeysay in ay kaalin muhiim ah ka qaadatay weerarkaasi, xilli aanay wax caddeymo ahi soo bandhigin.

Saraakiisha Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in Dowladaha Reer Galbeedka ay qayb ka yihiin isku dayada lagu kicinayo dadka gobolkaasi.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay inaanay Moscow u dulqaadan doonin qorshaha lagu doonayo in lagu kala qaybiyo bulshada Ruushka.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in dadka weerarka gaystay ay qaarkood gaareen dhabaha ay diyaaradaha ku cararaan ee Garoonka Makhachkala, ka hor inta aysan ciidamada ammaanku goobta ka saarin.

Warbaahinta ayaa baahisay muuqaalo muujinaya rakaabka oo baqdin darteed dib ugu laabanaya diyaaradda, ka dib markii ay saxmad noqotay dhabaha garoonkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in labaatan qof oo ay ku jiraan sagaal ka mid ah Ciidamada Booliska ay ku dhaawacmeen shaqaaqada ka dhacday garoonka ugu weyn ee Gobolka Dagestan.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay in xoogaga amniga ay xabsiga u taxaabeen lixdan ka mid ah dadkii xoogga ku galay garoonkaasi.

Hay’adda Duulista Rayidka ayaa sheegtay in si ku-meel-gaar ahi loo joojiyay howlihii shaqo ee garoonka, iyadoona ciidamo lagu soo daadiyay afaafka hore ee garoonkaasi.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Dowladda Ruushka ka codsaday in Moscow ay ilaaliso amniga dhammaan muwaadiniinta Israel iyo dadka kale ee Yahuudda meel kastoo ay dalkaasi ka joogaan.

Isla Axaddii, waxaa dab la qabadsiiyay xarun ay dadka Yahuudda ku leeyihiin Magaalada Nalchik ee Jamhuuriyadda Kabardino-Balkaria ee dalkaasi.

Dagestan oo ku taala waqooyiga Ruushka, sidoo kalena loogu yeero Jamhuuriyadda Dagestan ayaa dhacda Badda Caspian, waxaana ku nool dad kala qowmiyado ah oo Muslimiin u badan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc