Home Wararka Caalamka Ruushka oo weerar laga naxay ka gaystay dalka Ukraine (SAWIRRO)

Ruushka oo weerar laga naxay ka gaystay dalka Ukraine (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidamada Ruushka ayaa lagu eedeeyay in weerar naxariis darro ah ka gaysteen dalka Ukraine, kaas oo galaaftay nolosha dad fara-badan oo rayid ah.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in weerarka ka dhacay deegaanka Hroza ee Gobolka Kharkiv uu noqonayo kiisii ugu darnaa ee Ruushku ka gaysto dalkaasi, in ka badan hal sano.

Saraakiisha ayaa sheegay in Militariga Ruushka ay weerar gantaal ka gaysteen Hroza, isla-markaana ay ku dhinteen 52 qof.

Afhayeenka Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Aadanaha, Elizabeth Throssell ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay weerarka lagu hoobtay ee ka dhacay Gobolka Kharkiv.

Elizabeth Throssell ayaa sheegtay in Qaramada Midoobey ay koox baarta u dirtay weerarka dhanka cirka ee halkaasi ka dhacay.

Xulafada NATO ayaa sheegay in Ruushku uu weerarkan ugu dambeeyay u adeegsaday mid ka mid ah gantaaladiisa wax gumaada.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa dhankiisa weerarka ku tilmaamay mid aad looga naxo, marka aad eegto in la bartilmaameedsaday goob ay rayidku degan yihiin.

Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka ayaa iska fogeeyay masuuliyadda weerarkaasi, isagoona sheegay inaanay Moscow beegsan goobaha rayidka.

“Ciidamada Ruushka waxay bartilmaameedsadaan oo keliya goobaha militariga iyo meelaha ay ku badan yihiin ciidamada, balse ma beegsadaan dadka rayidka ah ee ku sugan Ukraine.” Ayuu yiri Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov oo Wariyeyaasha ay wax ka weydiiyeen dhacdadii Hroza.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu dhimashada badnaa ee lagu eedeeyo Ciidamada Ruushka in ay ka gaysteen gudaha Ukraine, marka laga soo taggo weerarkii boqolaalka qof ku dhinteen ee sanadkii hore ka gaysteen tiyaatar ku yaala Magaalada Mariupol.

Weerarkaasi oo dhacay 16-kii bishii March ee sanadkii 2022 ayaa la sheegaa in ay ku dhinteen illaa 600 oo qof.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc