Home Wararka Caalamka Ruushka oo Xamaas kaga mahadceliyay sii deynta muwaadiniin Russian ah

Ruushka oo Xamaas kaga mahadceliyay sii deynta muwaadiniin Russian ah

by Laacib

Dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay in Xoogaga Xamaas ay sii daayeen laba haween oo Russian ah, balse asal ahaan Yahuud ah.

Safiirka Ruushka ee Israel, Anatoly Viktorov ayaa sheegay in Xamaas ay dib xorriyadooda u siisay Yelena Trupanov iyo hooyadeed Irena Tati.

Safiirka ayaa Xoogaga Xamaas kaga mahadceliyay, sida ay uga jawaabeen codsigii Dowladda Ruushka ee ku aaddanaa in haweenkaasi la sii daayo.

Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam ayaa sheegay in sii deyntooda ay jawaab u tahay codsi uga yimid Dowladda Ruushka.

Al-Qassam ayaa qoraal ku sheegtay in haweenkaasi lagu wareejiyay Hay’adda Laanqayrta Cas, si dalkooda dib loogu celiyo.

Sii deysmadooda ayaan qayb ka ahayn heshiiska maxaabiis is dhaafsiga ee Xamaas iyo Israel.

Xamaas ayaa goor dambe oo xalay ahayd sii deysay 10 qof oo Israeliyiin ah, oo ay ku bedelatay 30 Falastiiniyiin ah oo isla xalay laga sii daayay jeelasha Israel.

Xamaas ayaa la haysteyaasha reer Israel la sii deysay 4 qof oo kale oo u dhashay dalkaasi Thailand, kuwaa oo aan iyana qayb ka ahayn heshiiska labada dhinac.

Heshiiska xabad joojinta dhinacyada oo Jimcihii ku bilowday afar maalmood ayaa Isniintii lagu kordhiyay laba cisho, oo ku ekeyd Arbacadii.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc