Home Wararka Maanta RW Barre oo daahfuray dhoofinta hilibka xoolaha dalka (SAWIRRO)

RW Barre oo daahfuray dhoofinta hilibka xoolaha dalka (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray dhoofinta hilibka xoolaha Somaliya ee loo iibgeynayo dalka Sacuudiga.

Raysal Wasaaraha ayaa ku tilmaamay tallaabo guul ah dhoofka hilibka xoolaha dalka ee ay ogolaatay Boqortooyada Sacuudiga, wuxuuna xusay in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ay ka heli doonaan dhaqaale iyo shaqo abuur ka badan, kii laga heli jiray dhoofka xoolaha nool.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay xoogga saari doonto maalgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin xoolaha, isagoo ugu baaqay ganacsatada inay maalgashi ku sameeyaan khayraadka dalka, gaar ahaan dhinacyada xoolaha, beeraha, kalluumeysiga iyo tamarta.

Raysal Wasaare Barre oo ka hadlayay fursadaha suuqa ganacsiga ee Bariga Afrika ayaa sheegay in ku biirista Somaliya ee dalalka ku mideysan Dalladda Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ay u tahay ganacsatada Soomaaliyeed fursad muhiim ah oo ay tahay in ay ka faa’iideystaan, iyagoo leh xuquuq la mid ah kuwa dalalka kale ee ku mideysan dalladdaasi.

Xukuumadda ayaa dadaal-gelisay in Riyadh ay u ogolaato suuqyada dalkeeda in loo iibgeeyo hilibka xoolaha Somaliya, ka dib markii ay ku qanceen caafimaadka iyo tayada xoolaha nool ee dalka.

Daahfurka mashruuca dhoofinta hilibka xoolaha Soomaaliyeed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Sacuudiga ee dalka, Danjire Ahmed bin Mohammed Al-Mawlid.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc