Home Wararka Maanta RW Barre oo kormeeray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho (SAWIRRO)

RW Barre oo kormeeray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeeray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho.

Raysal Wasaaraha ayaa u kuurgelayay howlaha shaqo ee socda, isagoona la kulmay Saraakiisha kala duwan ee Hoggaannada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay gacanna ku xoreynayso dalka, gacanta kalena ay ku dhiseyso Ciidamada Qalabka Sida ee Ciidanka ATMIS kala wareegi doono amniga dalka, marka la gaaro daba-yaaqada sanadka soo socda ee 2024.

“Raysal Wasaaraha oo ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dagaalka halka sano socda ee Khawaarijta looga sifeynayo dalka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin, sidii la isaga dulqaadi lahaa culeyska argagixisada.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Warka ayaa lagu sheegay “Raysal Wasaare Xamse waxa uu xusay in ciidanku yahay meesha uu ka dhismo waddan, isla-markaana haddii ay sharfanaadaan uu dalkuna yeelanayo sharaf.”

Raysal Wasaare Barre ayaa ballanqaaday in wax laga qaban doono baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo helo ciidan leh tayo iyo awood ay dalkooda ku difaacaan.”

Madaxda Qaranka ayaa isku dayaya in ay wax ka qabtaan gadoodka iyo cabashada Ciidamada Militariga, ka dib markii ay toddobaadkii hore soo banneeyeen degmooyin iyo deegaano dhaca Galmudug, inkastoo gadoodkoodu uu la xiriira qorshe xumo ku aaddan hawlgalka la doonayo in dalka lagaga saaro maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc