Home Wararka Maanta RW Barre oo kormeeray Xerada Ciidamada Turksom ee Muqdisho (SAWIRRO)

RW Barre oo kormeeray Xerada Ciidamada Turksom ee Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeeray Xerada Tababarka Ciidamada ee Turksom.

Raysal Wasaaraha ayaa halkaasi kula hadlay cutubyo ka tirsan Xoogaga Kumaandooska Gorgor oo tababar uu uga socdo.

Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in Kulliyadda Turksom oo ku taala duleedka Magaalada Muqdisho ay soo saartay Saraakiil iyo weliba ciidan uu ku ammaanay inay is bedel amni ka sameeyeen dalka, isla-maraana ay soo celiyeen kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed ku qabeen Ciidamada Qalabka Sida, taas oo horseeday in guulo wax ku ool ah laga gaaro dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Raysal Wasaaraha ayaa Ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka u sheegay in ay hubka u sitaan ilaalinta difaaca dalka, diinta iyo dadka, sidaas darteedna laga rabo in ay ka fogaan wax walba oo suurad xumeynaya sumcaddooda.

Intii Raysal Wasaaruhu uu ku guda jiray kormeerkiisan ayaa waxay ciidanku soo bandhigeen dhoolatus la xiriira tababarka iyo duruusta ay ku qaataan Xerada Tababarka Ciidamada ee Turksom.

Saldhigga Turksom oo ah kan ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa ayaa wax weyn ka bedelay baahidii ciidan ee horaan ka jirtay dalka.

Saldhiggan ayaa sanad kasta soo saara Saraakiil, Saraakiil Xigeeno iyo ciidan door muhiim ah ka qaata dagaalka lagu la jiro maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc