Home Dhacdooyin Saamaynta fatahaadaha Gobolka Hiiraan oo sii kordhaya

Saamaynta fatahaadaha Gobolka Hiiraan oo sii kordhaya

by Laacib

Somaliya oo sanadkii hore si mucjiso ah uga badbaaday abaaro laga digay in ay noqon karaan kuwii ugu darnaa ee dalka soo mara muddo 50 sano ah, saamayn badana reebi doona ayaa mar kale waxa ay sanadkan wajahaysaa xaalad bani’aadantinimo, oo ka dhalatay roobabka xargaha goostay ee ka da’aya Gobolada Koonfurta & Bartamaha.

Roobabka ayaa sababay in daadad ku soo rogmadaan magaalooyinka iyo deegaanada qaarkood, halka Webiyada Shabelle iyo Jubba ay fatahaado ka gaysanayaan dhulka ay maraan.

Gobolka Hiiraan oo kale daadad soo rogmaday ayaa waddo u furay in meelo badan uu ka jabsado Webiga Shabelle, isla-markaana uu si weyn ugu fataho gobolkaasi.

Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow), Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in fatahaadaha ay si weyn u saameeyeen min deegaanka Kabxanley illaa Degmada Buuloburde, waxyeelo xoog lehna ay gaysteen.

“Laga soo bilaabo Kabxanley illaa Buuloburde, tuulo, magaalo, guri, waddo iyo iskuul wax badbaaday ma jiraan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa xusay in gobolku uu wajahayo dhibaatadii ugu darneyd 120 sano illaa 150 sano, taariikhda inta ay qoreyso.

“Waxaa la dhihi karaa meeshaan dhibaatadii ugu ba’neyd 120 sano illaa 150 sano, taariikhda inta la ogyahay ayaa halkan ka dhacday.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiye Sufurow ayaa codsaday in wixii itaal ee maanta la hayo loogu gurmado dadka reer Hiiraan, si nolosha dadka loo badbaadiyo.

Magaalada Beledweyne ayaa ah xudunta halka ugu daran ay fatahaadda ka jirto, iyadoona ay biyuhu barakiciyeen dadkii deganaa magaalada.

Inta la ogyahay saddex iyo toban qof ayaa ku geeriyooday fatahaadaha halakeeyay Magaalada Beledweyne, sida uu xaqiijiyay Iskuduwaha Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Hirshabelle, Cabdisalaan Faarax Maxamed.

Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir (Caanooy) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa walaac ka muujiyay fatahaadaha sii kordhaya ee ka jira gobolka.

Roobabka mahiigaanka ee saddexdii toddobaad ee ugu dambeysay ka da’ayay Gobolada Koonfurta & Bartamaha ayaa xaalad bani’aadantinimo ka abuuray dalka.

Qulqulka biyaha ayaa saameeyay in ka badan 1.7 milyan oo qof, waxaana ku barakacay in ka badan 700,000 oo qof, oo ku kala nool deegaanada Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Meelaha qaarkood oo qoysas fara-badan ay ku go’doonsan yihiin ayaa waxaa adag, sidii dadkaasi lagu gaarsiin lahaa gargaarka ay u baahan yihiin.

Soomaalida ayaa dhibane u ah isbedel cimileed oo aanay qayb ka ahayn aadanaha sababay dhibaatooyinka ka dhasha qaaca hawada lagu sii daayo. Isbedelka cimilada ayaa horseeday in dalka ay ka dhacaan abaaro joogto ah iyo fatahaado soo noqnoqday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc