Home Wararka Caalamka Sababaha ugu waaweyn ee aysan Israel ugu guuleysan karin dagaalka Gaza

Sababaha ugu waaweyn ee aysan Israel ugu guuleysan karin dagaalka Gaza

by Laacib

Arrimo is biirsaday oo jira awgood ayaa carqaladeynaya inay Israel xaqiijiso guusha ay dooneyso inay ka gaarto duulaankeeda Marinka Gaza.

Habdhaqanka khalafsan ee Madaxda Israel, dilka & gaajeysiinta dadka rayidka ah, cadaadiska caalamiga ah ee sii kordhaya, xiisadda siyaasadeed ee ka dhex jirta xisbiyada gudaha, daalka iyo quusta ka muuqaneysa ciidamadooda, iska caabinta nool ay la kulmayaan iyo sida ay Israel ugu adkaatay qorista ciidan cusub ayaa Tel Aviv ka dhigeysa mid aan ku guuleysan karin dagaalkan.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Wasiirada ku xeeran ayaa ku adkeysanaya inay sii wadayaan dagaalka, taasi bedelkeeda ciidamada ayaa jeclaan lahaa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo soo afjaro colaadda.

Sida laga soo xigtay qoysaska qaar ee askarta, ciidamada ayaa doonaya in ay si degdeg ah uga lug baxaan furimaha dagaalka, sababo ku aaddan dhiigbax xoog leh oo ku socdo. Ciidamada oo daal badan uu ka muuqanayo, wax niyadna aan u ahayn dagaalkan ayaa waxaa muuqata in looga gacan sarreyo meedaanka dagaalka.

Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta oo hubka ku farsameysta gudaha Marinka Gaza, taageero dibaddana aan helin ayaa dunida tusay inaysan Ciidamada Israel ahayn, wixii madaxdooda ay caalamka u sheegayeen, ee ah in ay leeyihiin ciidanka ugu cududda weyn ee Bariga Dhexe.

Dadka ka faallooda arrimaha militariga ayaa ku waramaya in kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta uu mooralkoodu aad u sarreyo, diyaarna ay u yihiin inay sii dagaalamaan, illaa naqaska ugu dambeeya ee nolosha.

Diyaaradaha dagaalka Israel iyo maraakiibtooda ku sugan Badda Dhexe (Mediterranean) ayaa duqaymo xoogan ka gaysanaya qaybaha Marinka Gaza, si kor loogu qaado niyadda ciidamada, balse taasi waxaa la leeyahay kuma filna walaaca ciidamada, isla-markaana ay u caddahay, sidii ay dib ugu guryo noqon lahaayeen, si ay u helaan nasiinada ay u baahan yihiin.

Dagaalka Marinka Gaza ayaa noqonaya kiisii ugu qaraaraa ee ay ciidamadaasi ka galaan Bariga Dhexe, tan iyo aasaaskii Dowladnimada Israel.

Inkastoo Ciidamada Israel looga gacan sarreyo goobta dagaalka, haddana diyaaradahooda ayaa gaysanaya weeraro ay si joogto ah ugu dhibaateynayaan dadka rayidka ah, waana duqaymaha ay si maalinle ah ugu dhintaan tobanaan qof oo shacab ah.

Ugu yaraan 36,284 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay Marinka Gaza, tan iyo bilowgii dagaalka, muddo haatan laga joogo sideed bilood. Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Jimcihii sheegtay in tirada dadka ku dhaawacmay colaadda ay kor u dhaafeyso 82,057 qof.

Hawlgalada xagga cirka ee lagu bartilmaameedsanayo dadka shaacabka ah iyo burburinta lagu hayo kaabeyaasha rayidka ayaa dunida ka dhalisay carro xoog leh, waxayna xoojisay qaddiyadda qaranimada Falastiiniyiinta ee masraxa caalamiga ah.

Xeeldheereyaasha ayaa qaba inaysan Israel ku guuleysan doonin dagaalkan, inta ay ku howlan tahay inay leyso dadka aan waxba galabsan, taasna ay qoysaska iyo ehelada ee dadkooda la leynayo ku dhiirigelineyso in ay ku biiraan kooxaha wax iska caabinta.

Israel ayaa ficiladeeda ka baxsan meedaanka dagaalka, siyaasad ahaan ka sii go’doomineysa dunida inteeda kale. Israel ayaa tan iyo intii la yegleelay aan lahayn taariikh wanaagsan oo dhanka xuquuqda aadanaha ah.

Israel ayaa caan ku ah inay aalaaba ku xadgudubto shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka, waxayna muujisay inay khatar ku tahay wixii ay dunida ku heshiisay, tanina waa mid ka mid sababaha aysan bulshada caalamka u jecleen.

Raysal Wasaare Kuxigeenka Jarmalka ahna Wasiirka Dhaqaalaha, Robert Habeck ayaa sheegay in Israel ay ka gudubtay xadka, iyada oo ku xadgudubtay buu yiri xeerarka caalamiga ah falalka ay ka waddo Marinka Gaza.

Mar wax laga waydiiyay khadka cas ee Jarmalka ee ku saabsan taageeradooda militari ee Israel ayuu sheegay in weerarka Israel ay ku qaadday deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza uu ahaa khalad, isla-markaana aan loo baahneyn inay Israel qaaddo duulaankeeda dhinaca dhulka ee Rafah.

“Macluusha, silica dadka reer Falastiin iyo weerarada Marinka Gaza, sida aan hadda ku aragno Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ) waa kuwo aan waafaqsaneyn xeerarka caalamiga ah. Israel waa inay raacdaa shuruucda caalamiga ah.” Ayuu yiri Robert Habeck.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Faisal bin Farhan Al-Saud ayaa sheegay inaysan Israel amni heli doonin, inta ay hortaagan tahay dowlad ay leeyihiin shacabka Falastiiniyiinta.

“Go’aan dhab ah oo laga gaaro xalka laba dowladood ayaa lagu soo afjari karaa colaadda Falastiin iyo Israel. Xalka laba dal oo deris ah ayaa soo afjari kara in dagaalka Marinka Gaza uu dib u soo laabto.” Ayuu yiri Wasiirku.

Fursadda ugu muhiimsan ee ay maanta Israel haysato ayaa khasab kaga dhigeysa inay dib ugu laabto miiska wada hadalka, si ay Xamaas ula gaarto heshiis lagu soo afjarayo colaadda Marinka Gaza, maxaabiistana la isku weydaarsanayo.

Haddii Israel ay heshiiska xabad joojinta aqbasho ayaa waxay ku guuleysan kartaa inay dejiso carrada caalamiga ah, taas oo malaha u sahli karta inay hoos u dhigto hindisaha hiigsiga laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool, laakiin taasi ma damaanad qaadeyso in Israel ay amni buuxa hesho.

Israel ayaa muddo tobanaan sano ah hortaagneyd inuu meelmaro qorshaha ay shacabka Falastiiniyiinta ku doonayaan inay noqdaan dowlad la aqoonsan yahay, xubina ka ah Qaramada Midoobey.

Khubarada ayaa sheegaya in Israel ay la gudboon tahay in colaadda Gaza ka dib ay aqbasho xalka laba dal oo deris ah, si ay u saxdo khaladaadkeeda, loogana gudbo colaadda muddada dheer ku soo noqnoqotay gobolka, isla-markaana ay u hesho nabadgelyada ay u baahan tahay.

Norway, Ireland iyo Spain ayaa Talaadadii si rasmi ah ugu dhawaaqay inay aqoonsadeen Dowladda Falastiin. Slovenia ayaa sidoo kale Khamiistii aqoonsatay Dowladda Falastiin.

Dowladda Spain ayaa olole xoog leh ka dhex waddo dalalka Yurub, si ay si rasmi ah ugu aqoonsadaan Dowladda Falastiin, iyadoo la jebinayo xeendaabkii ay Israel muddada dheer ku hortaagneyd aqoonsiga Dowladda Falastiiniyiinta.

Baraarugga bulshada reer galbeedka ayaa riixi karta in Israel ay dib u eegto siyaasaddeeda gudaha, si xal loogu helo colaadda gobolka. Israel ayaa muddo dheer ku tiirsaneyd taageerada xulafadeeda Yurub iyo Mareykanka.

Tan iyo markii Israel ay weerartay Marinka Gaza ayaa waxay wajaheysay culeys siyaasadeed, dhaqaale iyo mid amni, sababo ku aaddan halka ay ka taagan tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, waana sababta ay xiisadda Bariga Dhexe u noqotay mid aad u sarreyso oo joogto ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc