Home Dhacdooyin Saddex qof oo isku qoys ahaa oo ku dhintay qarax “Nin Ugaas ayaa ka mid ah”

Saddex qof oo isku qoys ahaa oo ku dhintay qarax “Nin Ugaas ayaa ka mid ah”

by Laacib

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhintay, saddex kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii uu qarax haleelay gaari ay la socdeen dad rayid ah.

Gaariga ayaa ku safrayay waddada xiriirisa Degmooyinka Dhadhaab iyo Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, gaar ahaan inta u dhaxeyso deegaanada Bogyar iyo Dam Ege.

Gaarigan oo noociisu uu ahaa Land Cruiser ayaa haleelay qarax lagu aasay waddada dhinaceeda, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Saddexda qof ee qaraxa ku dhintay oo isku qoys ahaa ayaa waxaa ka mid ah Ugaas Amiin Ugaas Xasan, kaas oo si weyn looga yaqaanay Gobolka Waqooyi Bari. Ugaaska ayaana ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Soomaalida Kenya.

Labada qof ee kale ee qaraxa ku naf waayay ayaa lagu kala sheegay nin ay Ugaaska walaalo yihiin iyo wiil uu Ugaaska dhalay, oo darawal ka ahaa gaariga, laguna magacaabi jiray Fu’aad Farey.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, balse waxaa si dhow loola xiriirinaya maleeshiyada Al Shabaab.

Shabaabka ayaa marar badan Gobolka Soomaalida ka gaystay qaraxyo ay dad fara-badan ku dhinteen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc