Home Wararka Maanta Sanbaloolshe oo Beledweyne kula kulmay odayaal iyo siyaasiyiin (SAWIRRO)

Sanbaloolshe oo Beledweyne kula kulmay odayaal iyo siyaasiyiin (SAWIRRO)

by Laacib

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa maanta Magaalada Beledweyne kula kulmay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan.

Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in kulanka looga hadlay xaaladda amni ee gobolkaasi iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Warbaahinta ayaa sheegtay in Agaasimaha Hay’adda NISA uu adkeeyay muhiimadda ay Dowladda Federaalka u leedahay in dalka oo dhan laga sifeeyo kooxaha argagixisada.

Xildhibaanada iyo Odayaasha Dhaqanka ayay Warbaahintu sheegtay in ay kaga mahadceliyeen Agaasimaha NISA dadaalka uu ku bixinayo amniga, isla-markaana ay ballanqaadeen inay xoojin doonaan doorkooda kaga aaddan la dagaalanka Al Shabaab.

Sanbaloolshe ayaa muddooyinkanba howlo nabadeed u joogay deegaanada Hirshabelle, isagoo markaasi xoojinaya dadaalada lagu dhexdhexaadinayo laba maleeshiyo beeleed, oo ku wada dagaalamay deegaanada ku dhow dhow xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

27-kii bishii March ayay ahayd, markii illaa 300 oo guri iyo goobo ganacsi lagu gubay tuulada Eji, oo u dhaxeysa Degmooyinka Jalalaqsi iyo Mahadaay. Dhacdadan ayaa ka dambeysay, ka dib markii maleeshiyo beeleed weerartay tuulada ay dab qabadsiiyeen tuuladaasi.

Eji ayaa qiyaastii 21km koonfur bari kaga beegan Degmada Jalalaqsi, halka 52km ay jihada waqooyi kaga toosan tahay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe. Dhacdadu waxay ka bilaabatay xiisad ka dhalatay aano qabiil, oo u dhaxeysay laba beelood oo ka mid beelaha wada dega deegaanada dhaca xadka goboladaasi.

Socdaalka Sanbaloolshe ee deegaanada Hirshabelle ayaa ah in la dhameeyo colaadda beelaha, ka dibna la iska kaashado hawlgalada la doonayo in lagu wiiqo Shabaabka hubeysan.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa toddobaadkii hore deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle dib uga bilaabay abaabul ciidan, oo qorshuhu yahay in lagu wajaho dhulka ay Shabaabku ka maamulaan Gobolada Dhexe.

Si kastaba ha-ahaatee Sanbaloolshe oo maalmaha soo socdo sii joogi doona Beledweyne ayaa la filayaa in uu kaga qaybgalo munaasabadda caleemo saarka ee Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, oo ka mid ah Hoggaanka Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc