Home Wararka Maanta Sanbaloolshe oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda NISA

Sanbaloolshe oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda NISA

by Laacib

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa markii saddexaad loo magacaabay in uu noqdo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA).

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ayaa maanta ansixiyay magacaabiddiisa, ka dib markii Wasaaradda Amniga ay soo jeedisay in uu noqdo Agaasimaha Hay’adda NISA.

“Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, Danjire iyo Agaasimaha Hay’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Xafiiska Raysal Wasaaraha ee Facebook.

Sanbaloolshe oo horey laba jeer u soo qabtay xilkan ayaa bedelaya Mahad Maxamed Salaad, oo ku dhawaad muddo laba sano ah ku magacawnaa Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda.

Mahad Maxamed Salaad ayaa u hambalyeeyay Agaasimaha cusub, isagoona u mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Raysal Wasaaraha Xukuumadda.

Golaha Wasiirada ayaa Mahad Maxamed Salaad uga mahadceliyay shaqadii uu qaranka u qabtay, muddadii uu xilkaasi hayay, sida lagu sheegay qoraalka lagu daabacay bogga Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Magacaabidda Sanbaloolshe ayaa ku soo aadaysa, iyadoo muddooyinkii ugu dambeysay uu is bedel dhanka amniga ah ka jiray Magaalada Muqdisho, inkastoo maleeshiyada Al Shabaab ay mararka qaarkood ka gaysanayeen dilal, qaraxyo iyo weeraro abaabulan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc