Home Dhacdooyin Saraakiil ka tirsan ajaaniibta Daacish oo lagu qabtay Somaliya

Saraakiil ka tirsan ajaaniibta Daacish oo lagu qabtay Somaliya

by Laacib

Booliska Puntland ayaa sheegay in ciidamadooda ay gacanta ku soo dhigeen horjoogeyaal ka tirsan Daacishta Somaliya, oo ay ka soo qabteen deegaanka Bohol oo ka tirsan Degmada Ufayn ee Gobolka Bari.

War qoraal ah oo ka soo baay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Bari ayaa lagu sheegay in horjoogeyaasha la qabtay oo laba nin ah ay u kala dhasheen dalalka Morocco iyo Suuriya.

“Horjoogeyaasha la qabtay ayaa kala ah Xasan Ibnu Maxamed Ibnu Xuseen oo u dhashay dalka Morocco iyo Maxamed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay dalka Suuriya.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu yiri “6-dii bilood ugu dambeeyay waxay Ciidanka Booliska Puntland gacanta ku dhigeen kooxo kala duwan, kuwaas oo ka tirsan Daacish iyo Shabaab, ka dib hawlgalo laga fuliyay Gobolka Bari. Kooxaha ayaa u kala dhashay Morocco, Suudaan, Suuriya, Itoobiya iyo Koonfurta Somaliya.”

1-dii bishii July ee sanadkii hore ayay ahayd, markii Saraakiisha Booliska Puntland ay Magaalada Boosaaso ku soo bandhigeen saddex nin oo ka tirsanaa Daacishta Somaliya, oo midkoodna uu ajnabi ahaa.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, Korneyl Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa xilliigaasi sheegay in xubnahaasi ay si iskood ah isu soo dhiibeen. Taliyaha ayaana magacyada raggaasi ku kala sheegay Cali Yuusuf Cali, Maxamuud Macalin Maxamed iyo Muhanad Cabdullaahi Cabdiraxiin oo u dhashay dalka Suudaan.

Daacishta Somaliya ayaa markii ugu horreysay waxaa daba-yaaqadii bishii October ee sanadkii 2015 looga dhawaaqay Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, waxaana hoggaamiya Cabdiqaadir Muumin Cali oo bukaan la yaal ah. Hoggaamiyaha ayaa muddo dheer la il-daran xanuunka sokorowga/macaanka.

Daacishta Somaliya oo ah garab ka jabay Ururka Al Shabaab ayaa saldhigoodu ugu weyn ku leh Buuraleyda Gobolka Bari, iyagoona dagaal kula jira Dowlad Goboleedka Puntland.

Xoogaga Daacish ayaa la aaminsan yahay in dhaqaalaha ugu badan ay ka helaan ganacsatada Magaalada Boosaaso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc