Home Wararka Maanta Saraakiil Militariga ka tirsan oo loo xirxiray aagaggii ay ciidamadu ka soo baxeen

Saraakiil Militariga ka tirsan oo loo xirxiray aagaggii ay ciidamadu ka soo baxeen

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay Saraakiil Militariga ka tirsan u xirixirtay aagaggii ay dhawaan dib uga soo baxeen ciidamada.

Madaxweynaha oo maanta ka hadlayay Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin duleedka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay jiraan Saraakiil shalay illaa saaka loo xirixiray degmooyinkii iyo deegaanadii Galmudug ay ciidamadu ka soo baxeen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamadu ay soo banneeyeen goobo dhowr ah, isagoo intaasi ku daray in ciidanka barrahooda soo banneeya iyo kuwa kale ee fariisimahooda ku sugan aanay isku mid u ahaan doonin qaranka.

Madaxweynuhu ma sheegin tirada Saraakiisha xiran iyo magacyadooda, hase ahaatee waxa uu sheegay in sharciga la horgayn doono.

“Maanta saacaddaan aan idiin la hadlayo niman Saraakiil ah ayaa xirxiran, oo shalay la xiray, qaar kalena saaka la xiray, dembi ay gaysteenaa loo xiray. Maxkamadda Militariga waxay siiso ayuuna yeelanaya.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray “Dowladaa nahay, dowladna waa qaanuun iyo sharci ay ku kala dambeysaa, shareecadaa la horgaynaa, shareecadaas wuxuu ka heluu leeyahay kii dembi leh, kii dembi lahayna waa la soo deynaa.”

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa toddobaadkii hore dib uga soo gurtay Degmooyinka Galcad, Ceeldheer & Ceelbuur iyo deegaanada Wabxo, Masagawaa iyo Budbud, oo ay horey uga saareen maleeshiyada Al Shabaab.

Tani ayaa ka dambeysay ka dib weerarkii Shabaabku ay 26-kii bishii August ka gaysteen deegaanka Cowsweyne ee Gobolka Galgaduud.

Madaxda Qaranka oo ka duulaya, sida dib u gurashada ciidamada ay u dhaawacday hawlgalkii militari ee Gobolada Dhexe ayaa sheegay in lala xisaabtami doono, kuwa xagal-daacinaya dagaalka dib-u-xoreynta dalka.

Si kastaba ha-ahaatee waa markii ugu horreysay oo Dowladda Federaalka ay Saraakiil u xirxirto goobo laga saaray mintidiinta Al Shabaab oo ciidamadu ay soo faarujiyeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc