Home Wararka Maanta Saraakiisha Turkiga iyo Mareykanka oo u diyaargaroobay wejiga labaad ee hawlgalka

Saraakiisha Turkiga iyo Mareykanka oo u diyaargaroobay wejiga labaad ee hawlgalka

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Mareykanka iyo Turkiga ee ka hawlgala dalka ay isu diyaariyeen, sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Dhaqdhaqaaq ayaa laga dareemaya Saldhigyada Turksom iyo Gaashaanle Xasan Tuure (Ex Ballidoogle), oo ay ka hawlgalaan Saraakiisha Ciidamada ee labadaasi dalka. Saldhigyadan ayaa la filayaa in ay ka kacaan diyaaradaha lagu wado in ay bartilmaameedyada ka gaystaan Gobolada Dhexe.

Saraakiisha Turkiga iyo Mareykanka ayaa la sheegaya in ay beegsan doonaan difaacyada Shabaabka, gaar ahaan dhulka loo arko in ay ku mintidayaan gacan ku hayntooda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Villa Somalia ay dalalkaasi ka codsatay in ay door weyn ka qaataan dagaalkan ay damacsan tahay in ay jiridda ugu siibto Shabaabka ka hawlgala bartamaha dalka.

Mintidiinta Shabaabka ayaa u muuqdo kuwo ku fara adeygaya gacan ku haynta Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Shabaabka ayaa la sheegay inay dhufeysyo waaweyn ka sameysteen deegaanada Cowsweyne iyo Wabxo, si ay uga difaacaan Magaalada Ceelbuur.

Sidoo kale Kumaandooska Danab iyo Gorgor ee ku sugan Gobolka Galgaduud ayaa la sheegay inay haystaan tiro ka mid ah drones-ka Turkiga iyo Mareykanka, waxaana la sheegaya in qaybtood loo tababaray adeegsiga diyaaradahaasi, oo ku rakiban gantaalo waaweyn oo wax burburiya.

Dhanka kale Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa bidhaamiyay in maalmaha soo socda ay bilaaban doonaan hawlgal wadajir ah, oo Shabaabka lagaga saarayo deegaanada Galmudug.

Saraakiisha Ciidamada ayaa dadka reer Galmudug faray in ay isaga fogaadaan deegaanada ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Bashiir Cumar Cabdullaahi oo ka tirsan Saraakiisha Kumaandooska Gorgor ayaa dadka rayidka ugu yeeray in ay ka fogaadaan deegaanada ay maamulaan maleeshiyadaasi, gaar ahaan deegaanada ku dhow dhow Degmada Galcad.

“Shacabka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka reer Galcad iyo hareeraheeda in ay ka fogaadaan argagixisada, in ay ka fogaadaan goobaha cadowgu ku sugan yahay, waan bartilmaameedsanaynaa, waana raacadeysanaynaa. Ma rabno shacabkeenna Soomaaliyeed aan dhiiggeenna u daadinayno inay wax gaaraan, inaan wax u tarno ma ahee.” Ayuu yiri Bashiir Cumar.

Waxa kaloo uu yiri “Sidaasi darteed shacabka Soomaaliyeed cadowga haka fogaadaan, yeysan la macaamilin, yeysan la xiriirin, yeysan u dhawaanin, taana waxaan rabaa farriintaas inaan u mariyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Galcad.”

Wejiga labaad ee hawlgalka ayuu wareeggiisu hore qorshuhu yahay in kooxaha argagixisada lagaga suuliyo deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda abaabulay oo diyaariyay ciidamada iyo xoogaga deegaanka ee iska kaashanaya hawlgalada laga sameynayo Gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, inkastoo meelaha qaarkood ay gaabis ka iman karaan.

Villa Somalia ayaa dooneysa in waqti yar kooxaha argagixisada looga ciribtiro Gobolada Dhexe, ka dib muddo dheer oo ay ka hawlgalayeen.

Wejigii hore ee hawlgalka ayaa la fahamsan yahay in lagu kala dhantaalay Shabaabka oo ku xooganaa goboladaasi. Hawlgalkaasi ayaana laga bartay in muddo kooban lagaga adkaan karo argagixisada.

Si kastaba ha-ahaatee Dowladda Federaalka ayaa la eegaya, waxa ka fuli doono ballanqaadkeeda ku aaddan in ay wiiqi doonto Shabaabka hubysan ee dalka ka dagaalama.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc