Home Wararka Maanta Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo qarax lagu la eegtay Muqdisho

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo qarax lagu la eegtay Muqdisho

by Laacib

Sarkaalkan ayaa maanta qarax loogu soo xiray gaarigiisa lagu la eegtay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in mar qura ay maqleen jugta qaraxaasi, xilli gaarigu uu marayay isgoyska mashquulka badan ee Zoobe. Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in gaarigu uu si kedis ah uga baxay waddadii uu ku socday, isla-markaana uu ku dhufsaday baale koronto oo waddada dhinaceeda ku yaala.

Sarkaalka la beegsaday oo qaraxaasi ku dhaawacmay iyo qof kale ayaa la sheegay in Shaqaalaha Gaadiidka Gurmadka Degdegga ay ka qaadeen goobtaasi, isla-markaana ay geeyeen goobaha caafimaadka ee magaalada.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu jiro qof kale oo saddexaad oo markii dambe dhaawac ahaan goobtaasi looga qaaday.

Sarkaalkan oo nin dhallinyaro ah, laguna magacaabo Nasiib Daahir Cabdi ayaa ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamada amniga oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa wada baaritaano ku aaddan qaraxaasi.

Qaraxyada dhejiska ee gawaarida lagu xiro ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku soo badanayay magaalooyinka dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc