Home Wararka Maanta Sarkaal lagu hor dilay Masjidka Ibnu Cabaas ee Magaalada Muqdisho

Sarkaal lagu hor dilay Masjidka Ibnu Cabaas ee Magaalada Muqdisho

by Laacib

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa xalay afaafka hore Masjidka Ibnu Cabaas ee Degmada Kaaraan ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Dowladda Hoose ee Xamar.

Raggan ayaa weeraray Mukhtaar Daqare wax yar uun ka dib, markii uu ka soo baxay Masjidkan oo Salaaddii Maqribka uu ku soo tukaday.

Wararka ayaa sheegay in raggaasi ay dhowr xabadood huwiyeen sarkaalkaasi, ka hor inta aysan ka baxsan xeendaabka Masjidka Ibnu Cabaas oo ku yaala dhabarka dambe ee Saldhigga Booliska Degmada Kaaraan.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in marxuumka laga toogtay qaybaha sare ee jirkiisa, isla-markaana uu u geeriyooday rasaastii lala dhacay.

Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale sheegay in xilligii la dilayay ninkaasi aysan la socon wax ilaalo ah.

Goobta lagu dilay ayaa ah meel ay ku badan yihiin ciidamada amniga, mana cadda qaabka ay raggaasi ugu suurtagashay in ay baxsadaan.

Xildhibaan Xasan Cabdiqaadir Muudey oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa laamaha amniga ugu baaqay in ay sharciga horkeenaan dembiileyaashii dilay marxuumka.

Allaha u naxariistee Mukhtaar Daqare ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Waaxda Canshuuraha (Minishiibiyada) ee Dowladda Hoose Xamar.

Sarkaalkan ayaa door ku lahaa abaabulka Ciidanka Difaaca Shacabka (Macawiisley) ee ka hawlgala Gobolka Shabellaha Dhexe. Macawiisleyda ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ka gacan siisa la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa, waxaase lala xiririinaya maleeshiyada Shabaabka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc