Home Dhacdooyin Sarkaal muhiim u ahaa Shabaabka Gobolada Dhexe oo isa soo dhiibay (SAWIRRO)

Sarkaal muhiim u ahaa Shabaabka Gobolada Dhexe oo isa soo dhiibay (SAWIRRO)

by Laacib

Nuur Cabdullaahi Maalinguur (Nuur Deeq) oo ka tirsan Saraakiisha Al Shabaab ee Gobolka Mudug ayaa maanta isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ee fadhigoodu yahay Degmada Wisil ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ninkani uu muddooyinkii ugu dambeysay ku dhuumaaleysanayay bariga iyo koonfurta gobolkaasi, isla-markaana uu garowsaday in ciidamada isu soo dhiibo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu ninkaasi isugu soo dhiibay Ciidamada Qalabka Sida.

“Ilaahay ayaa mahad leh, waxaa Ciidamada Qaranka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ee ku sugan aagga Wisil ee Gobolka Mudug isku soo dhiibay Amiir ka mid ah Amiirada Khawaarijta ee Gobolka Mudug.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Nuur Cabdullaahi Maalinguur (AK Nuur Deeq) wuxuu ahaa Taliyaha maleeshiyaadka Khawaarijta ee Gobolka Mudug, wuxuuna ahaa hoggaamiyihii dagaaladii ugu cuslaa ay ka gaysteen Khawaarijtu gobolkan, waxaa intaas dheeraa inuu ganacsatada, Odoyaasha Dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee Gobolka Mudug uu ahaa ninka u qaabilsan soo wiciraankooda, u hanjabidooda iyo mararka qaarna wuxuu dadka ugu yeeri jiray Xarardheere.”

Wasiir Fiqi ayaa intaasi ku daray “Isa soo dhiibidda Nuur Deeq waxay ka dhigan tahay in Khawaarijta mooraalkoodu uu hooseeyo, isla-markaana Gobolka Mudug laga siibay qodax isha uga taagneyd.”

Nuur Deeq ayaa lagu tilmaamaa madaxii qaraxyada iyo dilalka Al Shabaab ee Gobolka Mudug, waxaana uu mar ka mid ahaa Saraakiisha Shabaabka ee loogu doon-doonista badan yahay.

Ninkan oo deegaan ahaan ka soo jeeda Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayay dadku magaciisu aad u maqleen bilowgii sanadkii 2016, markaas oo Shabaabku gacanta ku hayeen Degmada Xarardheere, isla-markaana ahayd xaruntooda ugu weyn ee bartamaha dalka.

Nuur Deeq oo hadda lagu hayo Degmada Wisil ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in la gayn doono Magaalada Gaalkacyo, ka dibna loo duulin doono dhanka Caasimadda Muqdisho.

Sarkaalkan oo muhiim u ahaa Shabaabka Gobolada Dhexe ayaa isa soo dhiibiddiisa loo arkaa mid dharbaaxo ku ah Ururka Al Shabaab, oo xilligan uu guluf ballaaran kaga furan yahay deegaanada Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc