Home Wararka Maanta Sarkaal Turkish ah oo kormeeray Taliska Ciidanka Haramcad (SAWIRRO)

Sarkaal Turkish ah oo kormeeray Taliska Ciidanka Haramcad (SAWIRRO)

by Laacib

Hüseyin Ediz Tercanoğlu oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii kormeeray Xerada Booliska Sida Gaarka ah u tababaran ee Haramcad ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Waxa uu halkaasi kula kulmay Taliyaha Ciidanka Haramcad, Gaashaanle Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax iyo qaar ka mid ah Saraakiisha kale ee Booliska Haramcad ee xeradaasi ka hawlgala.

Idaacadda Codka Ciidamada ayaa sheegtay in kormeerkiisan uu la xiriiray u kuurgelidda xaaladda Ciidanka Haramcad oo ay Dowladda Turkiga tababarto.

“Waxa uu ku amaanay ciidamada hawlaha naf huridda leh ee ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed.” Ayay ku warantay idaacaddu.

Waxa kaloo ay sheegtay “Ciidanka Gaarka ah ee Haramcad iyo Dowladda Turkiga waxaa ka dhaxeeya wada shaqayn ballaaran, waana ciidamo ay si gaar ah Dowladda Turkigu ula socoto horumarkooda, taas ayaana keentay in booqasho ku soo gaaro Muqdisho Hüseyin Ediz TercanoÄŸlu, oo ka mida Saraakiisha ugu sarreysa Wasaarada Arrimaha Gudaha Turkiga.”

Sarkaalkan ayaa horey u soo noqday Madaxa Tababarada ee Ciidanka Haramcad, oo Saraakiisha Turkiga ay ku tababaraan Saldhigga Turksom ee Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Haramcad ayaa loo tababaray la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab iyo ka jawaabidda xaaladaha degdegga.

Haramcad oo Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay aasaastay sanadkii 2018 ayaa lagu tababaraa Saldhigga Militariga Turkiga ee Turksom, waxaana jira tiro askartaasi ka mid ah oo horaan tababaro dheeri ah loogu diray dalkaasi Turkiga.

Xerada uu Sarkaalkan kormeeray ayaa waxaa 1-dii bishii October ee sanadkii hore loogu magac-daray General Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole), Taliyihii hore ee Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, kaas oo 30-kii bishii September ee 2022 lagu dilay qarax ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, xilli Ciidamada Dowladda ay hawlgal ka wadeen waddada xiriirisa Labada Shabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc